Halkan waxaa
ah hab cusub ee lagu qiiemynayo cunada badqabkeeda!
Laga bilaabo Januweri, 2017 maqaaxida badqabka cunadeeda qiimeynteeda
calaamad muujineysa ayaa lagu soo bandhigi doonaa daaqada maqaaxida. Calaamadu waxay bixin doontaa warbixin ka caawisa
macaamiisha in ay ogaadaan sida wacan ee ay maqaaxida u dhabageliso badqabka
cunada.
Maqaaixida
waxay u wareegi doonaan nidaamka cusub
qaab afar weji oo ku sal gareysan zib kood.
wejiga
koowaad – Januweri, 2017
qeyb
midab cas leh ee maabka
Seattle - waqooyiga I90, Shoreline, iyo Lake Forest Park eeriyadaa
98101,
98102, 98103, 98104, 98105, 98107, 98109, 98111, 98112, 98113, 98114, 98115,
98117, 98119, 98121, 98122, 98125, 98133, 98139, 98145, 98154, 98155, 98164,
98177, 98195 and 98199.
|
|
|
Wejiga
labaad – April, 2017
qeyb midab basali leh ee
maabka
Seattle – koonfurta I90, Vashon, Bellevue, Mercer Island, New Castle and Renton eeriyadaa
98004, 98005, 98006, 98007, 98008, 98009, 98015, 98039, 98040, 98055, 98056,
98057, 98058, 98059, 98070, 98106, 98108, 98116, 98118, 98124, 98126, 98134,
98136, 98144, 98146, 98168 and 98178.
wejiga
sadexaad – Julaay 2017
qeyb
midab cagaaran leh ee maabka
Bothell, Woodinville, Kirkland, Redmond, Issaquah, Skykomish, Carnation,
Duvall iyo Kent eeriyadaa
98010, 98011, 98014, 98019, 98022, 98024,
98025, 98027, 98028, 98029, 98030, 98031, 98032, 98033, 98034, 98035, 98038,
98041, 98042, 98045, 98050, 98051, 98052, 98053, 98064, 98065, 98072, 98073,
98074, 98075, 98077, 98083, 98089, 98224, 98288.
Wejiga
afaraad – octoobar, 2017
qeyb midab bluug leh ee maabka
Auburn, Burien, Federal Way, Normandy Park and Tukwila eeriyadaa
98001, 98002, 98003, 98023, 98047, 98063,
98092, 98093, 98138, 98148, 98158, 98166, 98188, 98198, 98354, 98422.
Maqaaxidaha
waxa ay heli doonaan calaamadahooda daaqada maadaama marwalba la baari doono
2017 oo dhan.
Waxa lagaaga baahan yahay in aad ogaato.
- Howlaha
Habka baarista iyo badqabka cunnada aan dooneyno isku mid bay ahaan
doonaan. Waxa keliya oo cusub dhamaatka
baarista joogtada ahi, maqaaxidaada waxa ay heli doontaa mid ka mid ah
qiimeynta afarta ee cunnada. Hoos ka eeg xog dheeraad ah ku saabsan qeybaha
afarta ee qiimeynta.
- Qiimeyntaada
waxaa lagugu soo qori doonaa war bixinta baarista iyo calaamada lagu dhejin
doono maqaaxidaada.
- Calaamadaha
daaqada waxa lagu dhejin doonaa meel dadka oo dhan u sahlan in ay arkaan. Taa
waxa lala jeedaa in calaamadaha lagu dhejin doona daaqada ama meel shan fiit u
jirta illinka maqaaxida. Maqaaxidba mida kale baaxadeeda way ka duwan tahay,
saa darteed adigu iyo baarahaaga si wada jir waad kawada shaqeyn kartaan in aad
heshaan meel munaasib aad ku dhejisaan calaamada.
- Qiimeynta
badqabka cunnada waa la is wargelin mar waliba la qabto baarista joogtada ahi.
Maqaaxidaha ku yaal King County waa la baaraa average ah 1-3 jeer sanadkiiba.
Waxa aad ku fiicneyn kartaa qiimeynta maqaaxidaada adigoo dhabageliya badqabka
cunnada maalin walba. Hoos ka eeg xog dheeraad ah ku saabsan sida loo
dhabageliyo badqabka cunnada maalin walba.
- Halista 1, 2 iyo 3 ee cunno sameynta ayaa
hadda lagu soo daray habkan cusub ee qiimeynta.
- Qof
walbana waxa uu xaq u leeyahay in uu ka dacwoodo qiimeynta lagu sameeyey. Codsi
dacwad ah dirsan kartaa mudo toban cisho gudahood ka dib markaad heshay
warbixinta qiimeynta.
- Barnaamijka
cunnada waxa uu qiimeyn doonaa habka qiimeyntani cusub si loo arko in ay wax
gal u leedahay bulshadeena. Iyadoo qeyb ka tahay howshan qiimeynta, maqaaxidaha
qaar keliya kormeer baaris ayaa lagu
sameyn doonaa si loo arko hab usocotka badqabka cunnada Baarahu bilowga ayaa uu
kuu sheegi doonaa nooca ayuu yahay baaritaanka lagu sameyn doono maqaaxidaada.
Baaritaanadani kuma yeelan doonaan wax saameyn qiimeynta badqabka cunada
maqaaxidaada ama taariikh hore maqaaxidaada baaristeeda ku saabsan.
Halkan
waxa ah xog dheeraad ku saabsan Nidaamka Qiimeynta Badqabka cunnada.
Qeybaha
Qiimeynta Badqabka Cunnada
NEEDS TO IMPROVE
Makhaayada waxa xidhay Waaxda
Caafimaadka Dadweynaha– Seattle iyo King County sannadkii ugu dambeeyay
Ama makhaayadu wuxu u
baahan yahay koormeer dheeraad ah si loo hagaajiyo amaanka cuntada.
OKAY
Makhaayada waxa lagu arkay:
TIRO BADAN oo ah xadgudubyada
khatarta ah ee heerkoodu yahay casaanka afartii kormeer ee ugu dambeeyay.
GOOD
Makhaayada waxa lagu arkay:
DHAWR xadgudub oo
khatar ah heerkoodu yahay casaan afartii kormeer ee ugu dambeeyay.
EXCELLENT
Makhaayada waxa lagu arkay:
WAXBA ama TIRO YAR oo
ah xadgudubyada khatarta ah ee heerkoodu yahay casaanka afartii kormeer ee ugu
dambeeyay.
|
Maxaa ka
danbeeya qiimeynta maqaaxida?
Qiimeynta
badqabka cunnada maqaaix leedahay waxa looga go’aamiyaa sadex qeybood oo muhiim
ah.
-
Halka ay ku socoto howlaha badqabka
cunnada in mudo ah. Badqabka
cunnada wanaagsani waxa ay u baahanatahay in la dhaba geliyaa maalin walbaa.
Calaamada daaqada ee qiimeynta cunnada waxa ay muujin doonataa sida
wanaagsan ee maqaaxi u howl gashay in mudo ah, balse aysan ahayn baaris mar
qura. Maqaaxi qiimeynta badqabka cunnadeeda waxa ay ku xirantahay averageka
calaamadahi casi muujinaya xad gudubka ee ay maqaaxi sameyso in mudo afar
baaris oo ka mid ah baarista joogtada ahi.
-
Heerka wax qabadkeeda Dadka degan King County waxay doonayaan
in ay ogaadaan in ka badan haddii ay maqaaxi ku guuleysato baaristo ama ku
dhacdo. Calaamadaha daaqada maqaaxida ayaa sheegi doona haddii ay maqaaxi
howlaheeda badqabka cunnada ka fiican
tahay intii looga baahnaa.
-
Qiimeynta Qaloocan.
Dadku waxay
jecelyihiin in ay ka casheeyaan maqaaxidaha xaafadooda. Qiimeynta qaloocani
waxay bixisaa war bixin sax ah oo wax gal u ah macaamiisha sida wacan ee
maqaaxi u dhaba geliso badqabka cunnada marka loo eego maqaaidaha kale u dhow.
Sidoo kale, Maqaaxidaha xaafadaha ku dhex yaal waxa ay yeelan doonaan cunno
baare. Baarayaasheena tababaro daran xooga saara cunno badqabkeeda yey
qaataan, Iyadoo babarkaana qaata, waxa
ay yeelan karaan qaab kala yara duwan ee xagga baarista qiimeynta. Qiimeynta
qaloocani waxa ay ka caawisaa noocyada baarista qiimeynta ee kala duwan. Maqaaxi
walbaa dhibcaha averageka ay keento waxa loo barbar dhigi doonaa dhibcaha ay
keenaan kuwa kale iyagana isla xaafadaa ku yaal. Qiimeynta qaloocani waxay
khuseysaa 3 qeybood ugu sareeya. Waakan ku dhawaad qeybaha maqaaxidaha percentagekooda oo ay ku noqdaan qeybaha midkood.
|
Waa maxay
xadgudubka xun oo leh midahka cas?
xadgudubka xun
oo leh midahka cas waa habka lala tacaamulo cunnada, marka aan si haboob loo
qaban, waxa ayna keentaa xunuunada ka dhashta cunnada.
Hadii aad u
dooneysid maqaaxidaada tababar ku saabsan badqabka cunnada, waxa aad ka dalban
kartaa Caafimaadka Guud Seattle & King County aqoon baaris sanadkiiba.
Aqoon baaris in aad dalbato waxa aad kala xiriiri kartaa Dr. Damarys
Espinoza Damarys.espinoza@kingcounty.gov, Xafiiska: 206-263-8583 ama mobeyl:
206-940-9545.
Blogeena waxaad ka
akhrisataa xog badan ku saabsan Nidaamka Qeemeynta Badqabka Cunnada Gudaha Caafimaadka Guud.
Danaha
Mediyaha
Iyadoo ay ugu wacan tahay
ihtimaamka iyo daneynta la daneynayo habkan cusub ee qiimeynta maqaaxidaha waxa
laga yaabaa in ay qollooyinka mediyaha kula soo xiriiraan si ay kaala hadlaan
waxyaabo ku saabsan nidaamka qiimeyntan cusubi iyo calaamadaha daaqada lagu soo
dhejiyo. Adigu ayey kugu xirantahay in aad mediyaha la hadasho iyo in kale
Haddaadan dooneyn in aad mediyaha la hadasho, inaga ayaad naga soo wargelin
kartaa adigoo siinaya cinwaankan:
Caafimaadka Guud
– Seattle & King County
Kooxda Xiriirada
Carley Thompson
carley.thompson@kingcounty.gov or 206 477-3058
Waxa laga yaabaa in danaha
mediyaha wax yeelo kaaga timaado maadaama xaafadaada loo bedelay nidaamkan
cusub
Xiligan
qaboobaha, waxaan qaban doonaa shirar bulshada, maqaaxileeyda iyo bulsho weynta
si loogu wargeliyo Nidaamkan cusub ee Qiimeynta Badqabka Cunnada Tafaasiisha
kol dhow bay iman doontaa.
Haddii aad
qabto wax su’aalo ah ku saabsan Nidaamkan Qiimeynta Badqabka Cunnada ama
shirarka bulshada soo socda la xiriir: Dr. Damarys Espinoza at Damarys.espinoza@kingcounty.gov , Xafiiska: 206-263-8583 ama mobeyl:
206-940-9545.
|