
Badbaadada
cuntada “fasalka” aastaamaha daaqada way imaanayaan!
Waxaan hormarineynaa nidaamka buundeynta maqaayada ee adiga
kuu shaqeyso. Barnaamijka Cuntada ee Adeegyada Caafimaadka Deegaanka iyo
maqaayadaha Gobolka King waxay leeyihiin hadaf guud: ee maqaayadaha waxay u
adeegayaan cunto badbaado ah. Buundeynta
maqaayada waa tallaabada dhinaca hadafkaas sababtoo ah waxay sare u qaadaa
badbaadada cunto wanaagsan oo waxay ku caawisaa inay ogeysiiso dadka inay
sameeyaan go’aamo la ogyahay ee ku saabsan cunista banaanka.
Tani iyo 2014, milkiilayaasha maqaayadaha Gobolka King,
casheeyayaasha iyo qubarayaasha badbaabada cuntada ee qeybgalay wadahadalada ku
saabsan waxa ay ka rabeen nidaamka buundeynta maqaayada, iyo wadada ugu
wanaagsan ee lagu hormariyo iyada. Ka bilow wada sheekeysiyadaan, waxaan
baranay in dadka ay rabaan nidaamka buundeynta inay ku xiraaraan sida xigta:
-
Isbedelada dhaqamada
badbaadada cuntada oo waqti kadib ah. Sababtoo
ah badbaadada cunto wanaagsan waxay u baahantahay in lagu dhaqmo maalin walba,
aastaamaha daaqada maqaayada waxay muujineysaa sida wanaagsan ee maqaayada u
shaqeysay in kabadan watiga, ma ahan hal baaritaan.
-
Baaxada shaqada. Sababtoo ah macaamiisha waxay rabaan inay wax badan ka ogaadaan
haddii maqaayada baastay ama dhacday, aastaamaha daaqada maqaaayada waxay
muujinayaan heerka ay ku baaseen ama ku dhaceen iyo sida inta badan taasi u
dhacdo.
Labada sanno ee la soo dhaafay, waxaan la shaqeynay
jaalalka tiro cajiib ah ee shaqada loo hormariyay nidaamka buundeynta maqaayada
ee buuxiyo filashooyinkaan.
Halkaan
waa dulmarka shaqada ee aan sameynay illaa hadda:
- Ogaaday sida baaritaano badan iyo noocee warbixin
ah ayaa loo baahanyahay si markaas si wanaagsan loogu qiyaaso sida wanaagsan ee
maqaayada uga shaqeyneyso badbaabada cuntada ee maalinta la siiyay. Waxaan ku
gabagabeynay midaas oo ay ku jirto ka bilow 4 baaritaano oo kaliya ay ku jiraan
xadgudubyada adag ee gaduudan waa qiyaasaha ugu wanaagsan.
- Ka dhageystay shaqaalaha maqaayada wax ku saabsan walaacyada ay ka
qabaan iswaafaqsanaan la’aanta baaritaanka. Waxaan u qaadanaa midaam mid dhab
ah – waxaan hogaaminaa tababaro dheeraad ah oo bilownay sameynta baaritaanka
qiimeynta shaqada, halkaas oo shaqaalaha ay sameeyeen baaritaanka
dhinac-ba-dhinac oo ay iskaga bartaan.
- Ka shaqeeyay 6 maqaayadood naqshadaha aastaanta daaqada
si aad u aragtid waxa sida wanaagsan dadka u jacelyihiin. Warbixin badan ee ku
saabsan aastaamada daaqada maqaayada waxaa laga heli karaa qeybta, “Maxaad Ka
filan Kartaa Aastaamaha Daaqada Maqaayada”.
Hadeer, waxaan ka shaqeyneynaa:
- Sare u qaadida websaydkeena si looga dhigo warbixinta
mid si sahlan loo fahmi karo oo bulshada ay heli karaan.
- Diyaarinayo kulamada bulshada illaa Gobolka King si la
isugu keeno jawaabta nooca aastaamaha daaqada maqaayadeena. Waxaan rabnaa in
dhammaan macaamiisha ay usuurtogasho inay fahmaan aastaamaha, iyada oo aan laga
eegin luuqadooda ama kartida aqrinta.
Maxaad
ka filan kartaa aastaamaha daaqada
Aastaamaha daaqada maqaayadaha waa qeyb muhiim ka ah
nidaamkeena buundeynta maqaayada. Haddii aad u safartay meelo sida California,
Hawaii, ama New York, fursadaha waa inaad imaato aastaamaha daaqada maqaayada.
Goboladaan, aastaamaha daaqada maqaayada inta badan waxay muujiyaan xarafka
buundada (sida “A” ama “B”) si loogu sheego bulshada wax ku saabsan dhaqamada
badbaadada cuntada maqaayada. Waxaan ka baranay waxa si wanaagsan uga shaqeeyo
meelahaan oo aasaasi karo nidaam ku buuxiyo baahiyada bulshadeena halkaan.
- Maxay aastaamaha daaqdaa
maqaayada ee Gobolka King dhabtii sameeyaan? Aastaamaha daaqada waxay:
Siinayaan warbixin ku caawineyso macaamiisha inay ogaadaan sida wanaagsan ee
dhaqamada badbaadada cunto maqaayada oo maalin walba la siiyay.
- U fududahay dadka si ay u
arkaan oo u fahmaan
- Cadaalada iyo sinnaanta
ganacsiga
Waxaan
rabnaa inaan adiga kaa maqalno
Sebteembar iyo Oktoobarta, waxaan la qabaneynaa kulamo
milkiilayaasha maqaayadaha iyo bulshada si ay u bartaan sida wanaagsan ee loo
naqshadeeyo oo loo fulliyo aastaamaha daaqada maqaayada. Wixii warbixin ah la xiriir:
Dhaqtar. Damarys Espinoza ee damarys.espinoza@kingcounty.gov (206) 263-8583.
Waxaad sidoo kale la
wadaagi kartaa jawaabtaada ee aastaamaha daaqada maqaayada dhinaca sahanka
onleenka.
Kulamada Soo socdo
ee Daneeyayaasha:
Oktoobar 17, 2016 9:30-11:30 am Xarunta Bulshada
Tukwila, Qolka Kulanka A 12424 42nd
Avenue South Tukwila, WA 98168
|