|
Waa Lagu Casuumay: Ka Qaybgalka Kulanka Dadweynaha ee Heerarka Ruqsad-bixinta ee EIDBI
|
|
Ka qayb qaado qaabaynta mustaqbalka heerarka ruqsad-bixinta ee barnaamijka Minnesota ee Adeegyada Koboca iyo Hab-dhaqanka Dardargelinta leh ee Carruurta (EIDBI).
Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (DHS) waxay raadinaysaa talooyin iyo fikrado ka imanaya bixiyeyaasha adeegyada, qoysaska, u-doodayaasha, iyo xubnaha bulshada si looga caawiyo horumarinta heerar ruqsadayn oo dhammaystiran oo loogu talagalay adeegyada EIDBI. Marka la dhammeystiro, heerarkan ayaa noqon doona shuruudaha ay tahay in hay’adaha bixiya adeegyada ay buuxiyaan si ay u helaan uguna sii haystaan ruqsadda. Waxay qeexi doonaan oo gacan ka geysan doonaan ilaalinta caafimaadka, xuquuqda, iyo badbaadada shakhsiyaadka ka faa’iidaysta barnaamijyada EIDBI, waxayna dejin doonaan shuruudaha ugu yar ee daryeelka iyo kaydinta diiwaannada.
Sannadkii 2025, Golaha Sharci-dejinta ee Minnesota ayaa meel mariyey sharci faraya Waaxda Adeegyada Aadanaha (DHS) inay ruqsadayso bixiyeyaasha adeegyada EIDBI. Inkastoo Minnesota ay muddo sanado ah lahayd shuruudo loogu talagalay EIDBI, sharcigan cusub wuxuu u baahan yahay in la sameeyo heerar ruqsadayn oo cusub oo dhammaystiran.
Iyadoo laga duulayo shuruudaha hadda jira, warbixinada loo gudbiyey sharci-dejiyayaasha, iyo fikradihii hore ee laga helay dadweynaha, Waaxda DHS waxay diyaarisay qabyo-qoraal ka kooban heerarka cusub ee ruqsadaynta oo dhammaystiran. Fikradahaaga iyo talooyinkaagu waa kuwo muhiim ah si ay nooga caawiyaan hagaajinta qabyo-qoraalkan. Hannaankan ka qaybgalka kulanka bulshada wuxuu ku siinayaa fursad aad naluga wadaagto aragtidaada ku saabsan waxyaabaha ay tahay in lagu daro heerarka ruqsadaynta ee adeegga EIDBI.
Waaxda DHS waxay adeegsan doontaa dhammaan talooyinka iyo fikradaha laga ururiyo kulankan si ay u dhamaystirto heerarka lagu taliyay, kuwaas oo loo gudbin doono Golaha Sharci-dejinta ee Minnesota bisha Janaayo 2027.
Waxaad fikradahaaga iyo talooyinkaaga ku saabsan heerarka qabyada ah ku bixin kartaa adigoo:
Ka hor inta aysan billaaban kulamada ka-qaybgalka bulshada, waxaan qaban doonnaa kulan furitaan oo onlayn ah. Kulankan waxaan ku sharrixi doonnaa sida loo diyaariyey heerarka qabyada ah ee ruqsad-bixinta, sida dadku u bixin karaan fikradahooda iyo talooyinkooda, iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono marka la dhammeeyo ururinta fikradaha iyo talooyinka. Kulankan furitaanka ah laguma ururin doono fikrado ama talooyin ku saabsan heerarka ruqsad-bixinta.
-
Arbaco, Juun 24 3:00-4:30.
-
Iska diiwaangeli kulanka furitaanka adigoo adeegsanaya lifaaqan: WebEx.
|
Arbaco, Luulyo 1: 6:00 – 7:30 galabnimo
|
Minneapolis Central Library
N-280 Doty Board Room
300 Nicollet Mall
Minneapolis, MN 55401
Iska diiwaangeli halkan
|
|
Arbaco, Luulyo 15: 2:30 – 4:00 galabnimo
|
Center for the Arts – Rehearsal Hall
1800 W Old Shakopee Road
Bloomington, MN, 55431
Iska diiwaangeli halkan
|
|
Khamiis, Luulyo 23: 10:00 – 11:30 subaxnimo
|
Great River Regional Library – Saint Cloud
Mississippi Room 106
1300 West St. Germain Street
St. Cloud, MN 56301
Iska diiwaangeli halkan
|
|
Arbaco, Luulyo 29: 3:00 – 4:30 galabnimo
|
Rochester Area Foundation
12 Elton Hills Dr NW Rochester, MN 55901
Iska diiwaangeli halkan
|
|
Arbaco, Agoosto 12: 2:30 – 4:00 galabnimo
|
Harrison Community Recreation Center
3002 West 3rd St
Duluth, MN 55806
Iska diiwaangeli halkan
|
Si aad wax badan uga ogaato ruqsad-bixinta Adeegyada Koboca iyo Hab-dhaqanka Dardargelinta leh ee Carruurta (EIDBI), booqo boggayaga intarnedka oo akhri su’aalaha inta badan la isweydiiyo (FAQs). La xiriir kooxda ruqsad-bixinta ee EIDBI adigoo iimayl u diraya eidbi.licensing.dhs@state.mn.us.
|
|
|
|